Ciidamada DFS howlgalo ka wada Waaberi & Xamarweyne

Wararka Maanta

Ciidamada Xasilinta caasimadda Muqdisho ayaa saaka baaritaano ka wada wadada Buundooyinka ee degmooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab.

Ciidamada ayaa si gaar ah u baaraya gaadiidka  gaarka loo leeyhay , iyadoo la joojinayo gaadiidka, kaddibna darawalka su’aallo la weydiinayo, sida aqoonsiga, hubinta gaariga iyo waxyaabaha saaran. Sidoo kale ciidamada ayaa baaraya dadka saaran gaadiidka dadweynaha, kuwaasoo iyana su’aalo weydiinaya.

Ammaanka caasimadda Muqdisho ayaa amni ahaan isbedashay wixii ka dambeeyay markii dowladda Federaalka sameysay ciidanka xasilinta Muqdisho, kuwaasi oo magaalada ka bilaabay hub uruurin iyo howlgallo kale oo amniga lagu sugayo.