Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xariga ka jaray Munaasabada dhismaha Golaha deegaanka degmada Buulo Burte.
Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle ayaa labadii cisho ee la soo dhaafay ku sugnaa Buulo Burte, isagoo dib ugu soo laabtay Muqdisho.
Labadii cisho ee uu joogay Buulo Burte ayuu xariga ka jaray mashaariic horumarineed oo maamulka hirgeliyay, isagoo dhagax dhigay mashaariic kale.
Khudbad uu ka jeediyay Munaasabadda lagu daah furayay dhismaha gole deegaan ay yeelato Buulo Burte ayuu sheegay in Dhismaha Golaha Deegaanka ay ku xiran tahay Mashaariicyo badan oo la filayo in laga Hirgaliyo Degmada Buulo Burte.
Waxaa uu ammaan u jeediyay shacabka ku dhaqan Buulo Burte isku duubnimadooda iyo sida ay uga shaqeeyaan nabadgelyada iyo horumarka deegaanka.
Degmada Buulo Burte ayaa noqon doonta degmadii labaad oo ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabeelle oo yeelata Gole deegaan, haddii la soo gabagabeeyay howlaha dhismaha golaha deegaanka.