Jubaland oo beenisay in kismaayo lagu xiray xildhibaan katirsan baarlanaanka jubaland

Wararka Maanta

Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay Warar maalmihii lasoo dhaafay ay tabinaayeen Qaar ka mid ah Warbaahinta Soomaalida oo ku aadana in Kismaayo lagu xiray Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Maamulka Jubbaland oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in uusan jirin Xildhibaan lagu xiray Kismaayo.

Waxaa uu sheegay in xildhibaanada maamulka Jubbaland aan la xiri karin , islamarkaana ay xasaanad ay leeyihiin.
Jaamac Axmed Xasan Afhayeenka Ciidanka Booliska maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale waxkama jiraan ku tilmaamay in la xiray Xildhibaan Shuceyb Ibraahim.

Qaar ka mid ah Warbaahinta Soomaalida ayaa shalay sheegay in xildhibaan Shuceyb Ibraahim oo ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland lagu xiray Kismaayo isaga iyo qof dumara ah.