Dawladda Soomaaliya Oo Cunaqabteyn Dhinaca Socdaalka Ka Ah Kusoo Rogeysa Maamulka Hargeysa

Wararka Maanta

Hay’adda Socdaaka iyo Jinsiyadaha Soomalaiya ayaa billowday in ay joojiso muwaadiniinta wata Baasaboorka Soomaaliga ah ee ay saaran tahay astaanta gelidda iyo kabixidda Somaliland (Entry & Exit stamp) kuwaas oo kabaxaya garoonka Muqdisho ama soo degaya garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa dhowr muwaadin ka qaadday Baasabooradoodii, iyada oo loo sheegay in ay sameystaan Baasaboor cusub.

Ilo kudhow xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay  in uu jiro amar dowladeed oo ay fulineyso hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha kaas oo faraya in la mamnuuca astaan aan ahayn tan Jamhuuriyadda Soomaaliya oo gelid ama bixitaan ah in lagu dhufto ama la saaro Baasaboorka Soomaaliya.

Sababta joojinta muwaadiniinta wata Baasaboorka Soomaliga ah ee ay saaran tahay astaanta gelidda iyo kabixidda Somaliland ayay sheegeen madax katirsan dowladda Soomaaliya in ay tahay in Dowladda Soomaaliya ay dhaqangelineysa sharciga Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo la sameeyey sanadkii 1962, kaas oo dalka oo dhan wadaquseeya islamraakana mamnuucaya in Baasaboorka Soomaaliya lagu dhufto Astaan gelid ama bixid oo waddanka dhexdiisa ah taas oo aan ahayn Astaanta Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya.

Marka la fiiriyo sida uu u dhaqangalay amarka joojinta muwaadiniinta wata Baasaboorka Soomaliga ah ee ay saaran tahay astaanta gelidda iyo kabixidda Somaliland waxa muuqata in uu jiro amar degdeg ah oo la socda dib u habaynta iyo horumarin lagu sameynanyey todobaadkii tegey hannaanka bixinta Baasaboorka.

War lagu qoray barta Facebook ee hay’adda socdaalka iyo jinisyadaha ayaa u qornaa sidan

inta la ogyahay illaa hadda waxa uu amarka  joojiinta muwaadiniinta wata Baasaboorka Soomaliga ah ee ay saaran tahay astaanta gelidda iyo kabixidda Somaliland saameeyey illaa 6 qof oo ka baxayey garoonka Muqdisho.