Kursigii C/qaadir Gaafow oo maanta Dib loogu tartamayo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Magaalada Muqdisho maanta waxaa ka dhaceysa Doorashada Hal kursi oo ku celis ah, kaas oo Degaan Doorasho ahaan ka soo jeeda Maamulka Galmudug.

Doorashadan ayaa lagu qabanayaa xarunta Iskuul buluusiyo ee General Kaahiye, Saxaafada ayaa xalay lagu soo wargeliyay in ay goob joog ka ahaadaan Doorashadan, waxaana lagu wadaa in iyaga oo koox ah goobta la geeyo, si ay ula socdaan qaabka ay u dhaceyso Doorashada.

doorasho-3

C/qaadir Gaafow Maxamuud oo ay walaalo yihiin Taliyaha Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA C/laahi Gaafow Maxamuud iyo Labo Musharax kale ayaa ku tartamaya kursigan.

Xarunta ay ka ka dhaceyso Doorashada ayaa amnigeeda aad loo adkeeyay waxaana lagu diyaariyay, Ciidamo kala duwan oo amniga suga, si aysan u dhicin arbushaad xilliga ay socoto Doorashada.

Guddiga Xalinta Khilaafaadka ayaa horey u laalay 5 ka mid ah kuraasta lagu soo doortay Degaan Doorashooyinka, Puntland kursigeeda way soo dhameystirtay, halka Maamulada kalena weli ay harsan yihiin.