Muqdisho: Wadooyinka Xaafadaha Qaar oo Biro lagu xiray (Sawirro)

Wararka Maanta

Ciidamada dowladda  ayaa  biro ku xiray wadooyin hor leh oo ku yaalla xaafadaha  Magaalada Muqdisho, xilli Madaxweyne Farmaajo dhawaan uu Amray in muddo 48 Saac ah lagu furo wadooyinkii horey u xirnaa.

Madaxweynaha ayaa Amray in la furo inta badan wadooyinka Muhiimka ah Sida Jidka Soddonka, Makka Almukarama iyo Afisyooni ee ku yaalla Muqdisho ka dib markii uu dhawaan kulan la qaatay guddiga Amniga Qaranka.

Wadooyinka ciidanka ay xireen ayaa ah kuwa xaafadaha dhexdooda mara oo xittaa gaadiidka qaar aysan marin, balse ay isticmaalaan kaliya mootooyinka Bajaajta, waxaana lagu jaray biro dhaadheer oo la dhex suray wadooyinkaas.

Ciidamada Ammaanka ayaa  gabi ahaanba xiray, Wadooyinka xaafadaha dhexmara ee mootooyinka mari jireen ee Degmada Waaberi iyo Degmada Hawlwadaag.

Waxaa muuqata in uusan hirgalin Amarkii Madaxweynaha ee ahaa in la furo wadooyinka xiran, si aan shacabka loo dhibaateyn.