Eritrea oo shaacisay cida kadanbaysay isku day afgambi oo dalkaas lala maaganaa 2011kii

Wararka Maanta

Dowladda Eritrea ayaa war murtiyeed ka soo saartay afgambi lala damacsanaa dalkeeda sanadkii 2011, iyadoo ku eedeysay in isku dayga afgambigaas ay ku lug lahaayeen Sirdoonka Mareykanka ee CIA-da iyo kan Israa’iil ee MOSSAD.

War murtiyeedka ka soo baxay dowladda Eritrea oo ku qornaa afka Tigreega ayaa lagu sheegay inay heleen macluumaad dhameystiran oo sir ah, kaasoo muujinaya afgambigii Milateri ee lala damacsanaa sanadkii 2011.

Eritrea ayaa sheegtay in afgambiga lala damacsanaa ay qeyb ka aheyd in kacdoono shacab oo gudaha ah la abaabulo, si loo wiiqo awoodda dowladda, xukana laga tuuro hoggaamiyaha dalkaas Isaias Afwerki.

War murtiyeedka ayaa lagu sheegay in laamaha afgambiga maleegayay ay ku kulmeen magaalada Nairobi, isla markaana Hey’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Qaxootiga UNHCR ay CIA-da ku amartay inuu gacan ka geysto sidii shacabka Eritrea looga qixin lahaa dalkooda.

Sidoo kale waxaa war murtiyeedka lagu sheegay in kooxda afgambiga maleegayay ay ku dhiira geliyeen Ciyaartoyda kubadda cagta Eritrea inay waddamo kale magangalyo weydiistaan, gaar ahaan kooxdii kubadda cagta Eritrea ee ka qeyb galeysay ciyaar ka dhacday Nairobi sanadkii 2011.

“Eritrea si fudud is bedel uga dhaco ma ahan mid suura galayo, si looga takhaluso dowladda Eritrea, in la adeegsado xooggag dibadeed oo aqoon u leh ciidanka Eritrea qaabka ay u shaqeeyaan, cida shuruudahaas buuxin karta waa maamulkii Addis Ababa”ayaa lagu yiri War murtiyeedka.

Lama oga waxa xilligan ku soo beegay war murtiyeedka, iyadoo Eritrea sanadkii hore laga qaaday cunaqabateyntii saarneyd, waxaana weli dalkaas laga sheegaa inay ka jirto nidaam keli talis ah iyo arrimo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.