Itoobiya oo Safiir cusub u soo magacowday Soomaaliya

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Dowladda Itoobiya ayaa Danjire cusub u soo magacowday Soomaaliya, kadib markii uu waqtigiisa dhamaaday Danjirihii hore ee Dowladda Itoobiya u joogay Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Safiirka cusub ee Dowladda Itoobiya ay u soo dirtay Soomaaliya ayaa waxaa lagu magacaabaa Jamaaludiin Mustafa Cumar, isagoo horey u ahaa ku xigeenka Itoobiya ee Soomaaliya.

5-3-1

Sidoo kale Jamaaludiin Mustafa Cumar, ayaa sidoo kale Dowladda Itoobiya waxa uu u yahay Wakiilka gaarka ah ee Dowladda Itoobiya u qaabilsan arrrimaha Soomaaliya, wuxuuna shaqadan kala wareegayaa C/Casiis Axmed Aadan.

Safaaradda Itoobiya ee Muqdisho waxaa ay ka mid tahay 83 Safaaradood oo Itoobiya ay ku leedahay daafaha Caalamka.