Wararkii ugu dambeeyey Xaalada Muqdisho (Sawirro)

Wararka Maanta

Banaanbaxyo rabshado wata ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kadib markii askari boolis ah uu isgoyska Howl wadaag ku dilay Deeq Fooley Cabdullahi Baaslaawe oo ahaa darawal Bajaaj, wiilkan 24 jir ah, ayaa waxaa lala dilay nin rakaab ah oo Bajaajta saarnaa.

Dibadbaxayaasha ayaa taayaro ku gubay isgoysyada Howlwadaag, Bakaaraha, Dabka iyo km4. Waxaana ciidanka dowladda oo isku dayey inay kala eryaan banaanbaxayaashaan rasaastii ay rideen waxaa ku geeriyooday  5 ruux, dhaawaca ayaa gaaraya 10 qof oo kale.

Dhanka kale Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Abdirahman Omar Osman – Eng. Yarisow ayaa tacsi ugu tagay ehelada maanta wiilashoodu ay dileen askarta Booliska, waxaana Gudoomiyuhu u balan qaaday in sharciga la horgeyn doono gacan ku dhiiglayaashii falka geystay.

Sidoo kale Taliyaha Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in saraakiil loo xiray dilalkii maanta, islamarkaana lagu raad joogo askartii dilka geystay.

Sidoo kale Eng. Yariisow iyo Taliyaha Booliska ayaa qaar ka mid ah Banaanbaxayaasha kula hadlay isgoyska Bakaaraha, iyagoo balanqaaday in ay wax ka qabanayaan dhibaatada lagu hayo Bajaajleyda.

Dhinaca kale ciidamo ka kala tirsan Milatariga iyo Booliska ayaa dagaal ku dhexmaray isgoyska Baar Ayaan, ciidanka Milatariga ayaa hadda ku sugan goobta dagaalku ka dhacay, waxayna 4 qori AK47 ah ka qaateen Askartii Booliska.