Dab ka kacay xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

Wararka Maanta

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Hodanb ee Gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada Siigaale ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka kacay Dab geystay khasaare hantiyadeed.

Dabkan ayaa ku bilowday Koronto, waxaana uu baabi’biyay guud ahaan Guriga dhismaha uu ka koobnaa, iyada oo ay jiraan khasaare hantiyadeed sida ay inoo sheegeen Dadka Degaanka.

Qof Goobjooge ah ayaa sheegay Wiil yar oo ka tirsan reerka Guriga in marka hore uu daaray TV yaallay Guriga, kadibna ay bilaabatay Maanso ka dhalatay Korontada oo markii horeba ciladeysneyd, sidaasina uu Dabkii ku kacay.

Dadka Degaanka ayaa biloway gurmad ay ku daminayaan Dabka ka kacay Gurigaasi, maadaama goobta aysan weli imaan Gaadiidka Dab damiska.