Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Salaad (Oomaar) ayaa wareysi uu bixinayay ku sheegay wasaaradda inay hadda ku howlan-tahay sidii ay mar kale dib usoo shaqo billaabi lahayd shirkii duulimaadka ee ay dowladdu lahayd “Somali Airlines “.
“Somali Airlines, soo celinteedda waxay ka mid-tahay wax-yaabaha ugu waa weyn,noogu horreeya ahmiyada ugu weyna aan siineyno -maaddama hadda hawaddii soo wereejinteedda ay meel wanagsan noomareyso,waxaan u jeesaneynaa Somali Airlines iyo soo celinteedda.”
“Sida aad la socoto adduunka wuu is-badalay,ma aha waqtigii dowladdii hore ee ay Somali Airlines shaqeyn jirtay…. Waxaan rajeyneyna inan soo celino Somali Airlines adduunka la shaqeysa.”
Somali Airlines waxaa la aas aasay bishii March 5 -teeddii sanadkii 1964,shirkadda ayaa waxaa ay waqtiga ka mid ahayd kuwii duulimadyada ee waqtiga ugu wanagsanaa,laakin waxaa ay hawada ka baxdey markii dowladdii dhexe ee dalka ay bur burtay.