Galmudug oo warka soo saartay dagaalada Puntland iyo Sufo ku soo qaadeen

Wararka Galmudug Wararka Maanta

War-Saxaafadeed

Dowlad Goboleedka Galmudug waxay cadeyneysaa in dagaallo abaabulan oo
sadex geesood ah oo ka kala soconaya deegaanada Gaalkacyo, Miracowleed iyo
Godinlabe ee ka kala tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud. Dagaaladaas
abaabulan waxaa nagu soo qaaday oo isku bahaysanaya Maamulka Puntland iyo
kooxda Sufo, ujeedaduna ay tahay in lagu wiiqo nabadda iyo xasilloonida dadka
iyo deegaanka Galmudug, dagaaladaas waxay kusoo aadayaan iyadoo ay si
habsami leh dadka reer Galmudug ay ugu hawlan yihiin hirgalinta hannaanka
Doorashooyinka Qaran.
Waxaa shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka iyo beesha caalamka
usheegeynaa in Dowlad Goboleedka Galmudug ay tahay maamul nabadeed
muddo dheerna baadi goobayey nabad iyo dib uheshiisiin la dhexmarta
Maamulka Puntland iyo kooxda Sufo, si deegaanku unoqdo mid ku noolaada
nabad, xasilooni iyo daris wanaag, laakiin waxaa ayaan darro ah in Dowlad
Goboleedka Galmudug aan laga hoos qaadin wanaagga ay markasta muujinayaan,
dhinacyadaasna ay dhagaha ka fureysteen baaqyada nabadeed ee Galmudug had
iyo jeer soo jeedinayso.
Hadaba, waxaan kubaaqeynaa in si deg deg ah loo joojiyo colaadahaas qaawan ee
ay wadaan maamulka Puntland iyo kooxda Sufo, shacabka walaaha ahna laga
daayo dhibaatada iyo barakaca.
Dhammaad

Comments are closed.