Maraykanka oo sheegay inay duqeyn ku dileen Sargaal ka tirsanaa Daacish-ta Somalida

Wararka Maanta

Dowladda Mareykanka ayaa waxa ay sheegtay duqeyn ka dhacday Gobolka Bari ee deeganada Puntland in lagu dilay Sarkaal ka tirsan Kooxda Daacish iyo ilaaladiisa.

Duqeynta ayaa waxa ay ka dhacday deegaanka Bohole oo qiyaastii 70-KM u jirta Degmada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka Somaliya oo Mareykanka ka caawiya duqeymaha laga fuliyo Somaliya, ayaa waxa ay sheegeen duqeyntaasi in lagu dilay Sarkaalka Daacish-ta ka tirsan.

Saraakiisha ciidamada Mareykanka iyo kuwa Somalida, ma aysan sheegin magaca Sarkaalka la beegsaday, balse waxa ay sheegeen inay dib ka soo faah faahin doonaan magaca Sarkaalkaasi.

Dowladda Maraykanka ayaa maalmahan dambe waxay dalka ka wadday howlgalka dhanka cirka ah oo ay ku caawineyso dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana la bartilmaameedsanayaa dagaalyahannada Al-shabaab iyo saraakiishooda.