Cismaan Barre Maxamed guddoomiyaha Cusub baarlamaanka Hirshabeelle (Sawirro)

Wararka Maanta

Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa waxaa ku guuleystey Mudane Cismaan Barre Maxamed oo helay codad gaaraya 61   halka uu musharixii la tartamayay ee Abuukar Xasan Cali oo ka helay codad gaaraya 28cod .

Codbixintan ayaa waxaa goobjoog ka ah guddoomiyaha baarlamaanka federalka Soomaaliyeed Maxamed Cismaan Jawaari iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federalka oo ka soo jeeda labada gobol ee maamulka Hirshabeele uu ka kooban yahay.

Waxaa codka dhiibtay 91 xildhibaan iyadoo mid kamid ah codadkaana uu xumaaday taasna waxeey ku tusineeysa habka aay u dhacdaay codeeynta. Musharaxa laga guuleystey doorashada Abuukar Xasan Cali ayaa u hambalyeeyay guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed,

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliyeed Maxamed Shiikh Cisman Jawaari ayaa hadal gaaban jeediyay ayaa waxaa uu ugu hambalyeeyay xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle doorashada ay doorteen shir guddoonkooda waxana uu ugu baaqay inay sii wadaan dadaalkooda.

14606312_862352207198074_5736886180510821240_n 14610997_862351960531432_8041224344905782535_n 14671200_862352063864755_2312427516058150152_n 14681617_862351930531435_8831779407575596826_n 14713751_862351990531429_6536322200345381441_n 14716196_862352020531426_8471390488723329743_n 14717240_862352173864744_2334622879299452512_n doorasho-hirka4-2 doorasho-hirka4-3 doorasho-hirka4-5 doorasho-hirka4-6 doorasho-hirka4-7

Comments are closed.