Faah faahin diyaarado dagaal oo duqeen kageystay jubada hose

Wararka Maanta

Wararka ka imaanaya degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose Koonfurta Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka dhacday Duqeyn ay fuliyeen Diyaarado dagaal.

Duqeyntan oo la sheegay in ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamo cadaan ah iyo Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa waxa ay beegsadeen saldhiyo ururka Al-shabaab ay ku leeyihiin degaanka Dhagax-dheer ee degmada Jamaame.

Howlgalkan lagu beegsaday saldhigyada Shabaabka ayaa ahaa mid qorsheysan, waxaana dadka degaanka ay sheegeen mar kaliya in ay ku soo baraarugeen jugta Duqeynta Diyaaradaha ay fuliyeen.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka oo La Hadlay Warbaahinta  ayaa sheegay Duqeyntan in ay ku burburiyeen saldhigyo Shabaab ay ku leeyihiin degaanka Dhagax-dheer.

Muddooyinkii dambe waxaa sii kordhaya weerarada qorsheysan ee ay fulinayaan ciidamo cadaan ah iyo ciidanka Xooga dalka Soomaaliya, kuwaasi oo u tababaran fulinta weerarada qorsheysan.