Galmudug oo ku baaqday in la gargaaro dadka abaartu saameysay

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Maxamed Xaashi Cabdi oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in dowlad goboleedka Galmudug ay saameeyeen guddi heer Wasiiro ah, kuwaas oo ka shaqeeya gurmadda dadkii ay Abaartu saameysay ee ku nool Degaanada Galmudug.

Maxamed Xaashi  ayaa inta ku daray in ay dhankooda hormuud u yihiin wax u qabashada dadka tabaaleysan, sidoo kalena ay abaabuleen hay’adaha iyo ganacsata deegaanka ku sugan kuwaas oo meelaha qaar deeqo raashin iyo biyo isugu jira gaarsiiyey.

Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenka ayaa Dowlada federaalka , Hay’adaha Caalamiga ah iyo dadka wax heysta ugu baaqay in ay gar gaar la soo gaaraan dadkan dhibaateysan, goobo badan oo kamid deegaanada Galmudug ayaa abaar ba’an ka jirtaa, waxaana dadka reer miyiga ah ay soo galayaan magaalooyinka madaama ay dhaafeen xoolihii ay dhaqan jireen.

Goobaha qaar ayaa dad ku dhinteen duruufo adag oo soo wajahay, waxaana jirta in degmada Baxdo ay ugu yaraan hal nin isku daldalay dhibaatada abaarta oo xoolihii ka laysay, hayaanka reer guuraaga ayaa galay gobolada Hiiraan iyo shabeelada dhexe, waxaana meelaha qaaar dadku ka barakaceen goobihii ay ku noolayeen oo ay alshabaab beerihii iyo guryihii ka gubeen.