Dhageysiga Khudbadaha musharixiinta aqalka sare oo muqdisho kasocota

Wararka Maanta

Waxaa Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta KMG ee Aqalka Sare ka bilaabatay Khudbadaha ay jeedinaya Musharaxiinta u tartameysa Xilka Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Guddiga Qaban qaabada Doorashada Guddoonka Aqalka Sare iyo xubno kale ayaa ku sugan xarunta, iyagoo la socda qaabka ay Munaasabada u socoto iyo qaabka ay Musharaxiinta u jeedinayaan Khudbadaha.

16 Musharax ayaa u taagan qabashada Xilka Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya 7 ka mid ah waxa ay u tartamayaan Xilka Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad, halka 2 ka mid ah ay u tartamayaan Xilka Guddoomiyaha Aqalka Sare, 7 kalena waxa ay u tartamayaan Xilka Guddoomiye Ku Xigeenka labaad.
Ammaanka xarunta ay ka dhaceyso Munaasabadda Musharaxiintu ay Khudbada ku soo jeedineyaan ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka.

labada Musharax ee u taagan Guddoonka Aqalka Sare

Cabdi Xaashi C/llaahi, xildhibaan hore
Mustafe Maxamed Qodax, xog-hayihii hore ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, Somaliland
Musharaxiinta Guddoomiye ku xigeenka 1-aad

Xasan Faarax Xujaale.
Axmed Xaashi Maxamuud
Cabdiwaaxid Cilmi cumar.
Abshir Maxamed Axmad (Bikhaari)
Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer)
Maxamuud Axmed Maxamuud.
Cabdirisaaq Cusmaan Cali.
Musharaxiinta Guddoomiye ku xigeenka 2-aad

Hodan Maxamuud Cusmaan.
Osmaan Axmed Macow.
Iftiin Xasan Baasto.
Fartuun Cabdulqaadir Faarax.
Sacdiyo Xasan Cusmaan
Mowliid Xuseen Guuleed
Cabdikaafi Macalin Xasan.
Maalinta Berri ah oo Axad ah ayaa lagu wadaa in ay dhacdo Doorashada Guddoonka Aqalka Sare iyo ku xigeenadiisa.