Wasiir Juxa oo Garoowe Gaaray Putlaan kala Hadlay Arima Dhowra

Wararka Maanta

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta Somalia Mudane Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa tan iyo markii xilkaasi loo magaacabay ka dib markii ugu horeysay waxa uu manta socdalka ku yimid magaalada garowe ee xarunta puntland.

Masuuliyinta maamulka gobalka nugaal golaha degaanka degmada garowe xildhibaanada golaha wakiilada ,xubnah golaha xukuumada odayaasha dhaqanka ururada haweenka puntland,gudoomiyahaasha xafadaha casimadaha iyo qeybha kale duwan ee bulshda rayidka aya wasiirka arimaha gudaha Somalia ku soo dhaweeyay magaaladda garowe,

Soo dhaweynta ugu weyn ee Wasriirk Arimaha gudah aya waxay ka dhacday duleedka dhinaca koonfureed ee magaalada waxana dhammaan xubnaha ka qeybgalayay soo dhaweynta wasiirta ay isgu tageen barxada weyn ee magaaladda garowe halkasi oo madaxda dowlada iyo wasiirjkuba warbaahinta kula hadleen.

Gudoomiyaha golaha degaanka degmada Garowe xasan maxaed ciise goodir-gudoomiyaha gobalka nugaal cumr cabdullahi faraweyn,iyo wasiirka arimaha gudaha puntland axmed cilmi cisman karash aya si isku mid ah uga hadlay soo dhaweynta wasiirka arimaha gudaha Somalia.

Cabdi faarax Saciid Juxa Wasiirka Arimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Somalia ayaa kalmada mhad celinta so dhaweyntan ka dib shacabweynaha puntland kula dar daarmay in ay ka feejignaadan qadaraha dhinaca amniga ee puntland ku soo wajahan.