Faallo+Sawiro daryeel la’aan haysa Lo’da Muqdisho

Qalinka Qoraaga Wararka Maanta

Magalaada Muqdisho waxaa si badan wadooyinkeeda u taagan uguna hoyda lo’ waydey jacaylkii iyo daryeelkii ay heli jirtey. Maanta way cabanaysaa hadday heleyso cid dhagaysata.

 

Sac baan ahay…..Muqdishaan ku noolahay, maxaa iga taqaan, maalin walba waa I aragtaa, dareen aan necbaasho ahayn iima lihid, hoygeygu waa wadooyinka laamiga iyo xaafadaha, cuntadaydu waa taadoo kale, suuqyadaan boobaa, waxaan ugu jecelahay kuwa khudaarta, haabaarka iyo garaaca hooyada suuqa waa ii joogto, jugta iyo dardarka gaadiidka wadada waa u dhimanaa, cid noo naxda ma arag – waxaad ku qaylisaan oo kaliya aaweey xoolahaan dadkii lahaa, aawey dawlada hoose, intaasoo dhan ma mooga milkiilahyaga iyo Maamulkayga maagalada.

 

Sac baan ahay…., Ma caafimaad badni inkastoo aan jir weenahay, bacda, baakadaha iyo qashinka aan cuno caloosha iyo mindhiciraday iiga guntan yihiin, ha dhiman hanoolaan ayay nolosheydu marar badan gaartaa, Dhakhtarkaygii waa is ilownay…

 

Sac baan ahay…..Milkiilahayga  ima waydiiyo halka aan ku noolahay iyo waxaan cuno,  dariiquu iga soo wataa i dabraa, i listaa, dib ii sii daayaa, inta yar uu iga dhiiqsado oo xalaanimadooda lays waydiin karo  wuu iibsadaa haddiiba ay dhacdo.

 

Sac baan ahay…..Dacdaan cabaa iyo biya fadhiisiga Magaalada, harsigaygu waa halkaa dhashaydana aan ku nuujiyo, tarankaygu dookh maleh, qoraxda iyo qabowga dul baan u yeeshey, roobka magaalada caws iima soo saaro, Geela dhuunta dheer iyo gaabanaha ariga ayaa iga calaf roonaaday, dameerahaa iga daryeel batey, ma maqlo Saca biya siiya, Saca caws haloo geeyo, moorada halaga nadiifiyo.

 

Sac baan ahay……malaha caanahayga  ciddii  cabi jirtay Muqdisho ma joogto, xayaysiinta warbaahinta Xamarna amaantooda kama maqlo, Caanaha geela ayaa iga mudnaan batay ayagaa amaan iyo faallo layskugu daraa, mar baan iraahdaa Geela dadkiisaa magaalada u soo galay adna kuwaagii wey ka baxeen.

 

Sac baan ahay… Muuqayga wayn ha moodin naaxitaan, bar waa barar garaac ka yimi, bar waa qashin duuduban oo jirkayga ku jira, barna waa xaaraan ku naaxnimo.

 

Sac baan ahay…..silicayga waa sanooyinkii dagaalada, isbedelkii yimi sadkiisa ma helin, Muqdisho madaxdeeda ima arkaan, talana iima hayaan, milkiilahaan daryeel ka sugaayay gurigii aan dhinac uga noolaa dhaqaaluu siistay, dibjirnimada isagaa iigu wacan, Ramadaan xitaa ima daryeelo.

 

Sac baa ahay…. Soom ma aqaan, Ciid ma aqaan, dabaal degna xitaa layma xuso, Sac Xamar baan ahayee goorma ila agoorma nolosheyda isbedel heleysaa.

Saxiibadeyda  waxay yiraahdaan, hal habeen aan ka guurno magaalada roobkii da’ay doogiisa aan doono,  kuwa kalaa waxay yiraahdaan aan dibad bax samayno xaqeena ku doono, kuwana waxay yiraahdeen milkiilaheena aan dabarka iyo liska ka diidno, Sac baan ahay

 

Sac baan ahay…..Talaan u leeyahay ciyaalkaygii xaafadda, adinkaa magaaladan u korey, mustaqbalkeeda iyo quruxdeeda adinkaa leh, ila doon doona wasaaradaydii xanaanada xoolaha, kuwii caanahayga ku korey yaa dalka ka jooga.

Dhalinyarooy Sac baan ahay ogaada, dhibkayga waa dhibkiina magaaladiina uma rabtaan kaadida iyo saxaradayda, magaladiina uma rabtaan wadda fadhiisigayga, magaaladiina uma rabtaan muuq xumo, i daryeela, oo ii geeya duqiina magaalada dhalinyarada ah, mise mooshin baan Baarlamaankeena geeyaa.

Sac baan ahay …. Sacbaan ahay.

Cabashadan ayadoo codkeeda iyo shanqaraheeda wadata waxay ka baxday

 

W/Q Ustaad Farah Omar NorFB_IMG_1498251810139FB_IMG_1498251815882FB_IMG_1498252396208 FB_IMG_1498251862909FB_IMG_1498252396208FB_IMG_1498252402540FB_IMG_1498252408786