Wararkii ugu dambeeyey ee aan helay ayaa sheegaya in Lacagtii Maanta lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Magaalada Muqdisho la geeyey Bangiga Dhexe Soomaaliya. Lacagtaan ayaa tiradeeda lagu sheegay 9 Milyan iyo 600 kun dollar. Waxaana boorsooyin ku waday Diblumaasiyiin ka tirsan Safaaradda Imaaraatku ku leeyahay Muqdisho.
Lacagtan ayaa la sheegayaa in ay tahay Mushaarka ciidamo ay imaaraatku tababareen oo ku sugan Magaalada Muqdisho deegaanada Maamulka Puntland. Waxaana wali war rasmi ah kasoo bixin dowladda federaalka ah.
Diblumaasiyiinta Imaaraadka Carabta ayaa sheegay inay u haystaan xasaanad in la baari karin boorsooyinkooda balse wadahadal kadib ayay oggolaadeen in lacagta lagu xareeyo Bangiga dhex ee Soomaaliya.
Diyaaradii keentay lacagta oomarkii hore loo diiday inay ka duusho garoonka Aadan Cadde ayaa maqribnimadii loo oggolaaday inay u duusho wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta.