Maxaa ka run ah inuu is casilay Gudoomiye Jawaari?

Wararka Maanta

Waxaa saaka loo balansanaa inuu furmo fadhiga Barlamaanka , iyadoo labada garab ee xildhibaanada ay kala wateen laba ajende. garabka Muudeey ayaa xildhibaanada ku wargeliyey in ajenduhu yahay Mooshinka Jawaari laga keenay. halka garabka Jawaari iyana ajende ka dhigteen arinta Beledxaawo. Waxaana warar goordhow soo baxay sheegayaan inuu baaqday kulankii Barlmaanka.

Xildhibaanada qaar oo saakay tagay Xarunta Golaha Shacabka ayaa soo kala dareeray markii lagu wargaliyey inuu baaqday fadhiga Golaha Shacabka. Sidoo warar kala duwan ayaa kasoo baxayey inuu iscasilay Gudoomiyaha Barlamaanka Maxamed Sh. Cismaan Jawaari.

ilo xog-ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyey in Jawaari uusan is casilin Balse uu aqbalay in Maalinta Arbacada kulanka Barlamaanka ka hor sheego inuu is casilay. waxaana suurtagal ah inay wax iska badalaan arintaan. Siyaasadda Soomaaliya ayaa lagu yaqaan in aysan fadhin. waxaana daqiiqad kasta is badali kara dhanka wax u socdaan.

Sidoo kale waxaa goordhow la furay wadooyinkii la xiray shalay. taas oo ka dhigan in uu si rasmi ah u baaqday fadhiga Barlamaanka. Lama oga halka ay ku dambeyn doonto xiisadan siyaasadeen.