Maamulka G. Banaadir oo burburiyey Dhismayaal

Wararka Maanta

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta burburiyey dhismayeyaal ay ku sheegeen Sharci daro ah oo ku yaalla degmada Waabari ee gobolka Banaadir.

Dhismayeyaashan ayaa maamulka gobolka Banaadir waxa ay ku sheegeen in horay looga dhistay goobo danguud ah oo loogu tala galay in loogu adeego bulshadda Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay ka go’an tahay soo celinta Hantida dadweynaha iyo goobaha muhiimka ah ee loogu tala galay in loogu adeego bulshadda Soomaaliyeed.

“Waaxda Oktoober ee Degmada Waaberi ayaan maanta dib uga soo celinay dad muddo ku ganacsanayey oo sheeganayey inay dokumenti u sameysteen. Goobaha Danta Guud waa in bulshada loogu adeego” ayuu yiri gudoomiye Yariisow.

Gudoomiyaha degmada Waaberi Mahad Cilmi ayaa sidoo kale goobta ka hadlay, isagoo sheegay in ay dadaal ugu jiraan soo celinta sharciga iyo bilicda degmada.