Dhageyso: Khudbadii Madaxweyne Guuleed ka jeediyey Soo dhaweyntii Galkacyo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha dowad goboleedka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo maanta gaaray Magaalada Galkacyo ayaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyey Madaxda iyo Bulshada Galmudug, waxaana Madaxweynuhu goobta soo dhaweynta ka jeediyey khudbo dhinacyo badan taabanaysa.

mudug_guddo-4-640x361

C/kariin Guuleed oo ka hadlayay munaasabad ayaa yiri : “Waxaa rabaa inaan ka hadlo arrimaha siyaasada, dalka waxaa ku soo fool leh doorashooyin iyo is bedel dhinaca siyaasada, Galmudug xubno fir fircoon ayay ka tahay arrimahaas, dhamaan shirarkii madasha si dhameystiran ayaa uga qeyb galnay, laakiin go’aanadii shirkii Madasha ee ugu dambeeyay qodobka ku saabsan in labo xubnood oo dheeri ah loogu kordhiyo Puntland, arrintaas hadaa nahay reer Galmudug ma waafaqsani”ayuu yiri C/kariin Guuleed.
Madaxweyne Guuleed ayaa sheegay in aanu ka qeyb gelin shirkii Madasha ee shalay Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay, arrimo caafimaad awgeed, balse wafdi uu hoggaaminayay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa matalayay.

HALKAAN KA DHAGEYSO KHUDBADA MADAXWEYNAHA

Comments are closed.