Xildhibaanada cusub Galmudug oo Kaarkii Xildhibaanimo la siiyey (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Xildhibaanada cusub ee garabka Ahlu sunna ayaa maanta la gudoonsiiyey kaararkooda aqoonsiga xildhibaanimo, Sidoo kale waxaa kulanka ku wehliyey xildhibaanadii hore Galmudug, kulankan ayaa waxaa  shir gudoominayey gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Barlamaanka Galmudug Maxamed Axmed Maalin. Wali waxa aan cadeyn tirada rasmiga ah ee Xildhibaanada Ahlu sunna ka yimid. wararka qaar ayaa sheegaya in ay gaarayaan 109 xildhibaan oo cusub.

Dhanka kale Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa isagu maanta u safray Magaalada Muqdisho, sidoo kale hore waxaa Madaxweynaha Xaaf u raacay gudoomiye ku xigeenka 1-aad Barlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed.

Xareed Cali ayaa la sheegay inuu dalaal ka yahay Qandaraas Madaxweyne Xaaf siiyey shirkad aan magaceeda la shaacin, heshiiska ayaa lagu saxiixay dalka Jabuuti. waxaana Xareed iyo Xaaf la siiyey lacagta loo yaqaan Xaqul Qalam aan la cayimin tiradeeda. shirkadaan ayaa bixin doonta shatiga kaluumeysiga xeebaha Galmudug. Sidoo kale Xareed ayaa lagu xasuustaa inuu Madaxweyne Xaaf u keenay Qorshihii lagu taageerayey Imaaraatka, kaas oo keenay in Khilaaf soo kala dhex galo Xaaf iyo Dowladda dhexe. Xaaf iyo Xareed ayaa la filayaa in ay dhawaan ku soo laabtaan dalka.