Cristiano Ronaldo Oo Ku Guuleystay Abaalmarinta Xiddiga Sanadka

Ciyaaraha

Xiddiga Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa ku guuleystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican sannadka ee FIFA.

Kabtanka Portugal ayaa ka adkaaday xiddiga Barcelona Lionel Messi iyo weeraryahanka Paris Saint-Germain Neymar  xaflad ka dhacday London Palladium.

32 jirkaan oo 44 gool u dhaliyey kooxda iyo wadankiisa 2017, ayaa ah ciyaaryahanka kaliya ee ku guuleystay abaalmarintan taasoo ah markii la soo bandhigay bishii Janaayo markii weeraryahanka uu ku guuleystay 2016.

Xilli ciyaareedkii hore, xiddigii hore ee Manchester United ayaa ka caawiyay Real Madrid inay taariikhda ku guuleysato Champions League , waxaana sidoo kale kooxda ku hogaamiyay horyaalka La Liga.

Tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane ayaa sidoo kale ka qeyb galay xafladda abaalmarinta, isagoo ku guuleystay tababaraha ugu fiican sannadka.