Real Madrid Oo Wada Hadalo La Bilowday Alexis Sanchez

Ciyaaraha

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay wadahadal la bilowday weeraryahanka Arsenal Alexis Sanchez ka dib markii uu heshiis la gaaray kooxda ka dhisan Santiago Bernabeu.

28 jirkaan ayaa haatan ku jira sannadka ugu dambeeya ee qandaraaskiisa Gunners, waxaana uu iska diiday dalabaad dheeri ah isagoo doonaya inuu si aad ah loogu kordhiyo mushaarkiisa haatan ee 130 kun ginni isbuucii.

Manchester City ayaa ku guuldareysatay inay 70 milyan oo ginni ugu dhaqaaqo Manchester City maalintii ugu dambeysay ee suuqa kala iibsiga xagaaga, iyadoo kooxda Arsene Wenger ay ku guul darreysatay inay hishiis cusub ka saxiixato, taasoo la micno ah in xidiga  Chileanka ah uu haatan ku jiro sanadkii ugu danbeeyay qandaraaskiisa.

Sida laga soo xigtay wargeyska Isbaanishka Don Balon, madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa wadahadal la bilaabay Sanchez, waxaana uu kalsooni ku qabaa inuu ugu biirayo “heshiis qiimo jaban” bisha Janaayo.

Sanchez ayaa seddex xilli ciyaareed ku qaatay kooxda ay xafiiltamaan Madrid ka hor inta uusan u wareegin Emirates 2014.

W/Q Hafsa haji