Everton Oo Ku Fashilantay Dalabkii Yacine Brahimi

Ciyaaraha

Porto-vs-Maccabi-Tel-Aviv

Everton ayaa lagu soo waramayaa inay ku fashilantay  dalab ku kacaya £ 33.6m pp ay ku doonayso imay kula soo wareegto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Porto Yacine Brahimi maalintii ugu danbeysay ee suuqa kala iibsiga.

Toffees ayaa si xoogan loola xiriirinaayey xidiga reer Algeria xagaaga ka hor inta uusan suuqa kala iibsiga xirmin.

Sida laga soo xigtay wargeyska Portugal O Jogo, Porto ayaa iska diiday dalab ka yimid Goodison Park iyadoo sidoo kale  kooxda ay isku magaalada ka dhisan yihinn ee Liverpool ay xiiso u qabtay.

Brahimi ayaa dhaliyay 22 jeer 86 kulan uu u saftay Porto  tartamada oo dhan.