Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab oo cawa ku Dagaalamay qaybo ka mid ah Degamada Afgooye

Wararka Maanta

Dagalyahano ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa caawa weerar ku bilowday laba Bambo gacmeed waxa ay ku qaadeen Ciidamo Dowladda Federaalka ka tirsan oo fariisin ku lahaa Agagaarka Buundo-yar ee degmada Afgooye.

Wararka ka imaanayo Afgooye ayaa sheegayo inuu weerarka ahaa mid socday waqti kooban oo labada dhinac ay is hubiyeen rasaas xoogan, taasi oo baqdin gelisay shacabka.

Taliyaha Ciidamada Booliska degmada Afgooye oo la hadlay Idaacadda Risaala  ayaa sheegay rag ka tirsan Shabaab in ay weerar soo qaadeen balse Ciidamada Dowladda ay iska difaaceen, maadaama xogta weerarka ay ka war hayeen.

Wuxuu kaloo sheegay Taliyaha in Ciidamada caawa ay wadaan dhaq dhaqaaq Ciidan oo ay uga jawabayaan weerarka Shabaabka ay soo qaadeen iyo sidii looga dabi tagi lahaa raggii weerarka soo qaaday.

Dadka degan Afgooye ayaa sheegay inay Al-Shabaab saacado kooban la wareegeen qeybo kamid ah Afgooye, waxayna xaqiijiyeen inay halkaas isaga baxeyn saacadda Soomaaliya markay aheyd 8:30 Habeenimo.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka caawa, maadaama ay tahay xilli habeen ah ayna adag tahay in la helo xogta rasmiga ah ee dagaalka.

Ururka Al-Shabaab, ayaa u muuqdo kuwo kordhiyay weerarada ka dhanka ah Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo weeraradan ay baqdin ku abuureen dadka degaanka.

Weerarkaan ayaa kusoo aadayo xilli Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu qorsheenayo inuu saldhigto Magaaladaas oo la filayo inay noqon doonto halka laga hago duulaanka lagu qaadi rabo Kooxda Shabaab ee Qarixii Musiibada ahaa ka geysatay Magaalada Muqdisho.

Warkan wixii kusoo kordha kala soco Ceelhuur.com insha allah