Xildhibaano horleh oo soo gaaray Cadaado (Video)

Magaalada Cadaado Xarunta Barlamaanka Galmudug waxaa galabta soo gaaray Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Galmudug, xildhibaanadan oo gaarayey 14 mudane ayaa galabta kasoo dagay garoonka diyaaradaha Cadaado. Xildhibaano iyo masuuliyiin kale ayaa kusoo dhaweeyey garoonka diyaaradaha, sidoo kale shalay iyo doraad ayaa Cadaado waxaa yimid tiro xildhibaano ah. waxaana la filayaa in ay dhawaan guda galaan […]

Continue Reading

Galkacyo oo laga daahfuray Shirka Wadatashiga Hanaanka dib u eegista Dastuurka Soomaaliya (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Dastuur iyo Dib u heshiisiinta Dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Cabdi Colaad ayaa maanta magaalada Gaalkacyo Xarunta gobolka Mudug ka furay Shirka Wadatashiga Bulshada Rayidka ee Hanaanka dib u eegista Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya. Shirkan oo socon doono laba Maalmood 14/15 October 2018, ayaa waxaa furitaankiiska ka qeybgalay Maamulka Gaalkacyo iyo qeybaha Bulshada Rayidka. […]

Continue Reading

Akhriso: Madaxweyne Xaaf oo magacaabay wasiiro cusub

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa goordhow magacaabay 25 wasiir, liiskan ayaa soo gaaray warqabadka ceelhuur.com Akhriso liiska wasiirada cusub. Mudane Maxamuud Maxamed Samatar (Duran), Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Dowladaha Hoose. Mudane Cabdi Maxamed Fiidow, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arimaha Garsoorka. Mudane Siciid Siyaad Shirwac, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha […]

Continue Reading

Faafaahin Alshabaab lagu duqeyey deegaan u dhow Xarardheere

Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah duqeyn diyaaradeed ayaa xalay ka dhacday deegaanka Caga-Cadde oo 70 km Galbeed uga beegan degmada Xarardheere. Duqeyntaan ayaa dhacday xalay 1:30 saq dhexe, waxaana diyaarado aan duuliye laheyn 11 gantaal la beegsadeen kolon gaadiid siday ciidan Alshabaab. Gadiidka la duqeyey ayaa gaarayey ilaa 5 baabuur oo 2 […]

Continue Reading

Muxuu ka dhigan yahay Mooshinka laga keenay Xaaf Ducaale?

khilaafka Galmudug ayaa yeeshay waji cusub kadib markii qaar ka mid ah xildhibaanada garabka Dusmareeb ay mooshin ka gudbiyeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf. Xildhibaano aan la xariirna ayaa ceelhuur.com u sheegay in Mooshinkan ay saxiixeen in kabadan 50 mudane, xildhibaanada ayaa u badan kuwa Ahlu Sunna, waxaana Mooshinkan imaanaya xilli horey xildhibaanada Galmudug ee […]

Continue Reading

Cali Gacal: Waa Sharci darro wixii shalay ka dhacay Dusmareeb (Video)

Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo maanta shir jaraaid ku qabtay xafiiskiisa Magaalada Cadaado xarunta Barlamaanka Galmudug ayaa ka hadlay doorashadii shalay ka dhacday Magaalada Dusmareeb. Cali Gacal ayaa sheegay in ay sharci darro tahay wixii shalay ka dhacay Dusmareeb, sidoo kale wuxuu ugu baaqay xildhibaanada maqan in ay deg deg ku yimaadaan Cadaado, […]

Continue Reading

Xaaf oo balantii uga baxay xildhibaanada Habargidir

Todobaadkan ayaa magaalada Muqdisho waxaa shir ku yeeshay xildhibaanada iyo Senatorada Habargidir, kadib markii Wasaaradda Arimaha Gudaha Federaalka ku guuldareystay xalinta khilaafka Galmudug. Xildhibaanadan ayaa iska soo saaray guddi ka kooban 5 xildhibaan oo kala ah: Xildhibaan Mahad Salaad Xildhibaan Saabir Nuur Xildhibaan Xirsi Aadan Senator Cabdi Qeybdiid Senator Yuusuf Dhagey Gudigan ayaa xiriir la […]

Continue Reading

Garabka Dusmareeb oo doortay Gudoomiye Barlamaan

Magaalada Dusmareeb ee caasimadda Galmudug waxaa galabta ka dhacday doorashada gudoomiya Barlamaanka garabka Dusmareeb, Waxaana ku loolamay 3 Musharax oo kasoo jeeda degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Saddexan Musharax ayaa kala ahaa : Aadan Xaaji Xasan Gardheer Ismaaciil Cabdulle Axmed Salaad Axmed Ceynte Sida uu sheegay Xareed Cali Xareed gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Barlamaanka, […]

Continue Reading

Cabdikariin Qalbi dhagax oo gaaray Dusmareeb (Sawirro)

Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbidhagax ayaa goordhow gaaray magaalada Dusmareeb Caasimadda Galmudug, Qalbidhagax iyo wafdi la socda ayaa saaka kasoo duulay Magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug oo maalmahaan ku sugnaa. Qalbidhagax ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Dusmareeb kusoo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan Maamulka, waxaana loo galbiyey Hotel City halkaas oo la dajiyey. Cabdikariin ayaa inta uu joogo […]

Continue Reading