Garabka Dusmareeb oo doortay Gudoomiye Barlamaan

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Magaalada Dusmareeb ee caasimadda Galmudug waxaa galabta ka dhacday doorashada gudoomiya Barlamaanka garabka Dusmareeb, Waxaana ku loolamay 3 Musharax oo kasoo jeeda degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Saddexan Musharax ayaa kala ahaa :

  1. Aadan Xaaji Xasan Gardheer
  2. Ismaaciil Cabdulle Axmed
  3. Salaad Axmed Ceynte

Sida uu sheegay Xareed Cali Xareed gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Barlamaanka, waxaa goobta fadhiyey 137 Mudane, waxaana natiijada wareegga 1aad noqotay sidan

  1. Aadan Xaaji Xasan Gardheer 37 cod
  2. Ismaaciil Cabdulle Axmed     93 cod
  3. Salaad Axmed Ceynte             5 cod
  4. Waxaa halaabay                      2 cod

Salaad ceynte ayaa si toos ah ugu haray wareegga koowaad maadaama uu ugu cod yaraa, sidoo kale Aadan Xaaji Xasan Gardheer ayaa tanaasulay, waxaana sidaas ku guuleystay Ismaaciil Cabdulle Axmed.

Ismaaciil Cabdulle ayaa horey loogu saadaalinayay inuu ku guuleysanayo doorashadan Madaama ay wataan ururka Ahlu sunna, guusha Cabdulle ayaa horseedeysa in kooxda Xaaf si fudud loogala wareego awoodda maamulka ay la tageen Dusmareeb.

Sidoo kale garabka Dusmareeb ayaa dhagaha ka fureystay baaqyadii dhexdhexaadinta ee ka imaanayey dhinacyo kala duwan, waxayna arintaan shidaal ku sii shubeysaa khilaafkii horey u jiray. waxaana la filan karaa garabka Cadaado oo iyaguna doorta Madaxweyne.