Cabdikariin Qalbi dhagax oo gaaray Dusmareeb (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbidhagax ayaa goordhow gaaray magaalada Dusmareeb Caasimadda Galmudug, Qalbidhagax iyo wafdi la socda ayaa saaka kasoo duulay Magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug oo maalmahaan ku sugnaa.

Qalbidhagax ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Dusmareeb kusoo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan Maamulka, waxaana loo galbiyey Hotel City halkaas oo la dajiyey.

Cabdikariin ayaa inta uu joogo waxa uu la kulmi doona Madaxda iyo qeybaha Bulshada. dhanka kale Qalbidhagax oo la filayey inuu maanta tago Cadaado ayaa xalay badalay jadwalka safarkiisa, taas oo ay ka caroodeen dadkii u diyaargaroobay soo dhaweyntiisa.