Xaaf oo balantii uga baxay xildhibaanada Habargidir

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Todobaadkan ayaa magaalada Muqdisho waxaa shir ku yeeshay xildhibaanada iyo Senatorada Habargidir, kadib markii Wasaaradda Arimaha Gudaha Federaalka ku guuldareystay xalinta khilaafka Galmudug.

Xildhibaanadan ayaa iska soo saaray guddi ka kooban 5 xildhibaan oo kala ah:

  1. Xildhibaan Mahad Salaad

  2. Xildhibaan Saabir Nuur

  3. Xildhibaan Xirsi Aadan

  4. Senator Cabdi Qeybdiid

  5. Senator Yuusuf Dhagey

Gudigan ayaa xiriir la sameeyey Madaxweyne Xaaf, iyagoo ku balamay in la joojiyo doorashada Dusmareeb, maalinta Arabaca beri ah la isugu yimaado Gaalkacyo, arintaan ayaa waxaa marqaati ka ahaa Madaxda Golaha iskaashiga Dowlad goboleedyada.

Xaaf Ducaale ayaa balantii ka baxay, waxaana galabta Dusmareeb lagu doortay gudoomiye Barlamaan garabka Dusmareeb.

Intaas kadib waxaa caawa kulan ku yeeshay Muqdisho gudiga xildhibaanada, iyagoo fadhigaan uga arinsaneyey xaaladda cusub ee soo korodhay, waxayna isla garteen in beri lagu isugu yeero dhamaan xildhibaanada Habargidir si ay go’aan uga qaataan arintaan.

Wixii kusoo kordha kala soco ceelhuur.com