Galkacyo oo laga daahfuray Shirka Wadatashiga Hanaanka dib u eegista Dastuurka Soomaaliya (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wasiirka Wasaaradda Dastuur iyo Dib u heshiisiinta Dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Cabdi Colaad ayaa maanta magaalada Gaalkacyo Xarunta gobolka Mudug ka furay Shirka Wadatashiga Bulshada Rayidka ee Hanaanka dib u eegista Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirkan oo socon doono laba Maalmood 14/15 October 2018, ayaa waxaa furitaankiiska ka qeybgalay Maamulka Gaalkacyo iyo qeybaha Bulshada Rayidka. Waxaana labada maalmood lagu qaadaa dhigi doonaa doodo iyo casharo ku saabsan dastuurka KMG ee Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta Galmudug Zakariye Maxamed ayaa sheegay in labada maalmood ee uu shirkaan socon doono looga baahan yahay ka qeybgalayaasha in ay ku biiriyeen aragtidooda, sidoo kale ay gaarsiiyaan qeybaha Bulshada aqoonta ay ka faa’iideyaan shirkan.

Wasaaradda Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta Galmudug oo kaashaneysa Wasaaradda Dastuurka Dowladda Federaalka ayaa shirar nuucaan oo kala ah ku qaban doona Magaalooyinka waaweyn ee Galmudug.