Faafaahin Alshabaab lagu duqeyey deegaan u dhow Xarardheere

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah duqeyn diyaaradeed ayaa xalay ka dhacday deegaanka Caga-Cadde oo 70 km Galbeed uga beegan degmada Xarardheere.

Duqeyntaan ayaa dhacday xalay 1:30 saq dhexe, waxaana diyaarado aan duuliye laheyn 11 gantaal la beegsadeen kolon gaadiid siday ciidan Alshabaab.

Gadiidka la duqeyey ayaa gaarayey ilaa 5 baabuur oo 2 ka mid ah ay ahaayeen gawaarida xamuulka ciidamada daabula ee BG(Biijii). Qiyaastii in ka badan 100 dagaal yahan oo Alshabaab ayaa dhimasho iyo dhaawac kasoo gaaray weerarkan.

Kolonyadan ayaa shalay galab ka baxay xero ciidan oo Alshabaab ku leeyihiin deegaanka Miliqo oo u dhow Xarardheere.

Sidoo kale barta Twitterka ee Africom oo ka hadasha howlgalada ciidamada Maraykanka ayaa lagu daabacay in xalay weerar duqeyn ah diyaaradaha Maraykanku ka fuliyeen Xarardheere.

Todobaadkan ayaa dhowr jeer la jaray isgaarsiinta degmada Xarardheere iyo deegaanada u dhow oo Alshabaab fadhiisimo ciidan ku leeyihiin. Kadib markii diyaarado ciidan lagu arkay hawada deeganadaas.

Wixii kasoo kordha kala soco ceelhuur.com