Bulshada Xeraale oo Gaadiid Dagaal iyo Ciidan ku wareejiyey RW Kheyre (Sawirro)

Bulshada Xeraale ee gobalka Galguduud ayaa hub, gaadiid dagaal iyo ciidamo ay si gaar ah gacanta ugu hayeen ku wareejiyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo shalay socdaal shaqo ku tegay Xeraale. Bulshada Xeraale ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre u sheegay in ay hubka, gaadiidka iyo ciidanka u wareejinayaan si ay […]

Continue Reading

RW Kheyre oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb.

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay saqdhexe dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb caasimadda Dowlad goboleedka Galmudug. Waxaana safarkiisa ku wehlinaya wasiirka Arimaha Gudaha DFS Cabdi M.Sabriye iyo xubno kale oo ka tirsan Xukuumadda iyo Baarlamaanka. Kheyre ayaa Afartii maalmood ee lasoo dhaafay cagta soo mariyey magaalooyinka Godinlabe, Cadaado, Cabudwaaq, Huurshe iyo Xeraale. Isagoo halkaas […]

Continue Reading

War Murtiyeed: Shirkii RW Kheyre iyo MD Xaaf

War Murtiyeedkii shirkii Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxda Galmudug. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa wada hadalo mira dhal ah ku yeeshay magaalada Cadaado maalintii Khamiista ee ay taariikhdu ku beegnayd 27ka Juun, 2019. Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa ka wada […]

Continue Reading

Galmudug iyo Fursadaha Maanta Horyaal

Maamul gobaleedka galmudug oo ah maamul la yagleelay bartamihii sanadkii 2015tii, waxuu la kulmay caqabado, dhibaatooyin iyo khilaafaad ragaadiyey una diiday maamulkaas horumar iyo daganaansho siyaasadeed intaba, haddaba waxgaradka iyo masuuliinta reer Galmudug waxaa maanta horyaala fursado mudan inay ka faaideystaan suurtana galin kara inay maamulkaas u horseedan dib u heshiiseen iyo xasilooni siyaasadeed, waxaana […]

Continue Reading

Wararkii ugu dambeeyey safarka RW Kheyre ku yimid Galmudug.

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay Markii ugu horeysay isagoo Ra’iisulwasaare ah ku hoyday Magaalada Cadaado xarunta Barlamaanka Galmudug. Kheyre ayaa shalay galab soo gaaray Cadaado, waxaana  Madaxda Galmudug iyo masuuliyiin Dowladda Dhexe kusoo dhaweeyeen Duleedka Godinlabe, isagoo safar dhulka ah uga yimid Magaalada Dhuusamareeb Caasimadda Galmudug. RW Xasan Kheyre ayaa soo dhaweyn balaaran […]

Continue Reading

Wararkii ugu dambeeyey Galmudug

Xaaladda siyaasadeed ee Galmudug ayaa ah mid isbabadalaysa, waxaana ugu dambeeyey wararkan: Axmed Ducaale Xaaf ayaa xalay ku hoyday Madaxtooyada Galmudug magaalada Cadaado, waxaana Cadaado ugu dambeysay 18 Janaayo 2018. Xaaf ayaa maanta qaabilaya wufuud kala duwan oo ka imaanaysa Muqdisho iyo Gaalkacyo, sidoo kale wuxuu kulama la qaadan doonaa masuuliyiinta ku sugan Cadaado. Ra’iisulwasaare […]

Continue Reading

C/kariin Guuleed oo Sheegay inuu dib ugu soo laabtay Siyaasadda

Madaxweynihii hore Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa soo saaray War-murtiyeed uu ku sheegay inuu siyaasadda uu dib ugu soo laabtay, uuna dhisi doono xisbi siyaasadeed. WAR-MURTIYEED Sida la wada ogsoon yahay waxaan siyaasadda si ku meel gaar ah oga nastay horaantii 2017kii arimo xagga caafimaadka la xiriira. Haddaba waa Rabi mahaddiiye kol haddii xaaladdii caafimaad […]

Continue Reading

Wararkii ugu dambeeyey Dhuusamareeb

Xaaladda siyaasadeed ee ka jirta magaalada Dhuusamareeb caasimadda Galmudug ayaa cakiran, ma jirin waxa kulamo ah oo dhacay shalay iyo xalay. Marka laga reebo xildhibaan Ubax Tahliil iyo Xildhibaan Cabdixakiin oo kulamo kooban la yeeshay Xaaf, iyagoo ka codsaday in uu wada hadalka qeyb ka noqdo. Xaaf ayaa ku adkeysana inuusan kulan la qaadan wafdiga […]

Continue Reading