Wararkii ugu dambeeyey Galmudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Xaaladda siyaasadeed ee Galmudug ayaa ah mid isbabadalaysa, waxaana ugu dambeeyey wararkan:

  1. Axmed Ducaale Xaaf ayaa xalay ku hoyday Madaxtooyada Galmudug magaalada Cadaado, waxaana Cadaado ugu dambeysay 18 Janaayo 2018. Xaaf ayaa maanta qaabilaya wufuud kala duwan oo ka imaanaysa Muqdisho iyo Gaalkacyo, sidoo kale wuxuu kulama la qaadan doonaa masuuliyiinta ku sugan Cadaado.
  2. Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa isna xalay seexday magaalada Dhuusamareeb caasimadda Galmudug, waana markii ugu horeysay ee Kheyre yimaado deegaanada Galmudug. Kheyre ayaan wali ka hadlin ujeedka safarkiisa Dhuusamareeb, mana jirto kulamo uu la yeeshay Madaxda Ahlu sunna, sidoo kale Kheyre ayaa la filayaa inuu maanta fagaare kala hadlo Madaxda iyo Dadweynaha Dhuusamareeb. Dhan kale Kheyre ayaa la qorsheynaa inuu safar ku tago  magaalada Cadaado.
  3. Wafdi wasiiro iyo xildhibaano federaal ah oo ka imaanaya Xamar ayaa goordhow ka dagaya Cadaado, wafdigan ayaa waxaa la socda siyaasiyiin taageero u ah xukuumadda Kheyre. Waxayna gogol xaar  u yihiin imaatinka Kheyre magaalada Cadaado.
  4. Dhan kale Gudoomiye ku xigeenka 1aad Aqalka Sare Senator Abshir Bukhaari, Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa iyo Xildhibaan Saabir Nuur ayaa maalintii labaad ku sugan Cadaado, Xildhibaanad iyo waxgaradka ayaa ku guuleystay in Xaaf lagu soo dhaweeyo Madaxtooyada Cadaado.
  5. Sidoo kale wafuud kale oo ka imaanaysa Gaalkacyo ayaa maanta imaanaya Cadaado, waxaa wafdiga ayaa isugu jira Xildhibaano Federaal, Oday dhaqameedyo iyo siyaasiyiin kale. Waxaana wafdigan hogaaminaya Senator Cabdi Qeybdiid.