War Murtiyeed: Shirkii RW Kheyre iyo MD Xaaf

Wararka Galmudug Wararka Maanta

War Murtiyeedkii shirkii Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxda Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa wada hadalo mira dhal ah ku yeeshay magaalada Cadaado maalintii Khamiista ee ay taariikhdu ku beegnayd 27ka Juun, 2019.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa ka wada hadlay qodobo muhiim ah oo la xiriira arrimaha dib u heshiisiinta, doorashooyinka Galmudug iyo sidii loo dhammeyn lahaa kala aragti duwaanshaha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Galmudug.

Falanqeyn iyo wadatashi dheer keddib waxaa la isla meel dhigay qodobadan hoos ku xusan:

  1. Madaxdu waxay si wadajir ah u bogaadiyeen soo dhaweyntii diirranayd ee 26kii Juun, 2019 loogu sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre magaalada Cadaado.

  2. Madaxweyne Xaaf iyo Ra’iisul Wasaaee Khayre waxa ay isla garteen in la dajiyo geeddi socodka iyo hannaanka dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka si loo helo Galmudug mideysan.

  3. In Dowlad Goboleedka Galmudug ay qaadato kaalinteeda kaga aaddan arrimaha dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka iyada oo kaashanaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

  4. Si ay u noqoto caasimad loo dhan yahay oo leh maqaamkeeda waa in hay’adaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedka Galmudug ay si buuxda uga hawl galaan magaalada Dhuusamareeb.

  5. In Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo celiso kabistii miisaaniyadeed ee Galmudug si loo dar dar galiyo arrimaha amniga iyo adeegyada kala duwan ee bulshada Galmudug.

Dhanka kale Iyadoo uu is afgarad ku dhamaaday wada hadaladii Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxweyne Xaaf, laguna guuleystay in xal laga gaaro arrimo kala duwan oo ku horgudbnaa hannaanka geeddi Geeddi socodka dhismaha Galmudug ayaa waxaa la sheegayaa in aan weli is afgarad laga gaarin kulamadii Ra’iisul Wasaaraha iyo Hoggaanka Ahlusuna ku yeesheen Dhuusamareeb, lana filayo in mar kale dib loo kulmo.

Labo qodob oo Ra’iisul Wasaaraha kala hadlay madaxda Ahlusuna ayaa laga suyayaa in ay aqbalaan, kuwaasoo kala ah:-

1- In Ciidamada Ahlusuna lagu wareejiyo dowladda Federaalka, lana qarameyn doono.

2- In ammaanka Dhuusamareeb lagu wareejiyo Ciidamada Danab iyo kuwa Milateriga 21aad, lana howlgeliyo Ciidamo Boolis iyo Nabadsugida, si ay u sugaan Amniga magaalada.