Xaaladda Siyaasadeed ee Galmudug ayaa cirka isku shareertay kadib markii shalay Xaaf uu safar dhulka ah uga baxay Dhuusamareeb.
Waxaana Xaaf oo ku sugan Godinlabe xalay soo saaray warqad uu ku sheegayo inuu buray heshiiskii Jabuuti ee uu la galay Ahlu Sunna, doorashada Galmudugna ay ka dhaceyso Cadaado.
Dhanka kale waxaa isla xalay warqad kale soo saaray Sheekh Shaakir, isagoo sheegay in bisha Luulyo 2019 la qabanayo doorashada Galmudug, laguna qabanayo Dhuusamareeb.
Sidoo kale daqiiqado kadib ayaa wasiirka Arimaha Gudaha DFS Cabdi M. Sabriye soo saaray warqad uu ku taageeraayo go’aanka Sheekh Shaakir, isagoo cadeyey in doorashadu ay ku dhaceyso waqtigeeda, laguna qabanayo magaalada Dhuusamareeb.
Dhinaca kale ciidamada Danab qeybta 21aad Xoogga dalka ayaa gaaray Dhuusamareeb, iyadoo la filayo inuu halkaas gaaro Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre. Halka la filayo in Xaaf uu maanta soo gaaro Cadaado. Sidoo kale Xildhibaano iyo wasiiro Federaalka ayaa la filayaa maanta gaaraan Cadaado.