Xaaf oo sheegay inuu burburay heshiiskii Ahlu Sunna (Akhriso)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Warsaxaafadeed uu soo saaray Axmed Ducaale Xaaf ayaa lagu sheegay inuu buray heshiiskii Jabuuti ee uu la galay Ahlu Sunna, sidoo kalena doorashada Galmudugna ay ka dhaceyso Cadaado.

Xaaf ayaa sabab uga dhigay burburka heshiiskii Ahlu sunno qodobadan:

  1. Axdi la’aanta Ahlu-Sunna Waljamaaca ay si xurma la’aan ah u muujiyeen.
  2. Damaca iyo sad bursiga aan dhamaaneyn ee Ahlu-Sunna Waljamaaca;
  3. Ahmiyadda ay leedahay ilaalinta dastuurka iyo heshiisyada Galmudug;
  4. Markuu latashaday: Odoyaasha iyo Waxgaradka beelaha dega Galmudug;

Sidoo kale Xaaf ayaa soo saaray qodobadan
1. In uu buray heshiiskii Jabuuti ee Galmudug iyo Ahlu-sunna Waljamaca oo lagu saxiixay Muqdisho 06/12/2017.
2. In laqabto Doorashadii Dowlad Goboleedka Galmudug.
3. In Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha kawada shaqeeyaan sidii loo qaban lahaa doorashada iyo dib uheshiisiinta.
4. In ay dhamaatay kala aragti duwanaan shihii Dowladda Federaalka iyo Galmudug.
5. In doorashadu ka dhacdo caasimadda kumeelgaarka ah ee Cadaado.

Qodobka 2aad
Ayadoo la eegayo qodobka 1aad ee kor ku xusan waxaa buray gabi ahaan wax kasta oo heshiiskii Galmudug iyo Ahlu-Sunna ka dhashay oo ay ka mid tahay:
1. Badalidda astaanta Galmudug
2. Badalidda Dastuurka Galmudug
3. Dhismaha Madaxa Xukuumadda
4. Badalkii Gudoomiyihii Baarlamaanka iyo Madaxweyne Ku-xigeenkii
5. Isku darka Golaha Baarlamaanka
6. Dhismaha Golahii Wasiirada cusbaa