C/kariin Guuleed oo Sheegay inuu dib ugu soo laabtay Siyaasadda

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynihii hore Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa soo saaray War-murtiyeed uu ku sheegay inuu siyaasadda uu dib ugu soo laabtay, uuna dhisi doono xisbi siyaasadeed.

WAR-MURTIYEED

Sida la wada ogsoon yahay waxaan siyaasadda si ku meel gaar ah oga nastay horaantii 2017kii arimo xagga caafimaadka la xiriira.
Haddaba waa Rabi mahaddiiye kol haddii xaaladdii caafimaad dari ay meesha ka baxday, wada tashi dheer oo aan la qaatay qeybaha bulshada, asxaabta siyaasadeed iyo taageerayaasha mudadii lixda bilood aheyd ee sanadkan waxaan go,aansaday inaan mudada soo socota siyaasadda dib ugu soo laabto kana qeyb qaato wax u qabadka dadkeyga iyo dalkeyga.

Haddaba ayadoo arimahaas kor ku xusan aynu ka duulayno waxaa qabanqaabadiisa socotaa unkidda iyo yagleelidda xisbi weyn oo siyaasadeed oo ka turjumo aragtida iyo fikirka siyaasadeed ee aynu kaga qeybgaleyno dib u dhiska dalka iyo horumarintiisa ee mustaqbalka dhow iyo kan fog intaba, anagoo isbaheysi iyo bahwadaagba la sameysan doonna xisbiyada iyo kooxaha siyaasadeed ee aynu isku aragti noqon karno.

Waxaanu bogaadineynaa xoogagga isbadal doonka ah ee u taagan toosinta hanaanka dimoquraadiyadeed ee dalka iyo sareynta sharciga.
Dhanka kale waxaan dowladda ugu baaqeyna inaysan talada dalka kaligeed isku gooni yeelin, gaar ahaa arimaha la xiriira dhameystirka dastuurka, doorashooyinka iyo kheybsiga ljeyraadka dalka, dhawrtana dastuurka, shuruucda wadanka u taala iyo hay,adaha dastuuriga ah ee dalka ka jira.
Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeyna inay ka qeyb qaatan dhismaha dalkooda iyo horumarintiisa.

C/kariin Xuseen Guuleed
Madaxweynahii hore ee Galmudug