RW Kheyre oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb.

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay saqdhexe dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb caasimadda Dowlad goboleedka Galmudug. Waxaana safarkiisa ku wehlinaya wasiirka Arimaha Gudaha DFS Cabdi M.Sabriye iyo xubno kale oo ka tirsan Xukuumadda iyo Baarlamaanka.

Kheyre ayaa Afartii maalmood ee lasoo dhaafay cagta soo mariyey magaalooyinka Godinlabe, Cadaado, Cabudwaaq, Huurshe iyo Xeraale. Isagoo halkaas kula kulmay masuuliyiinta iyo bulshada deegaanka.

Xasan Kheyre ayaa intii uu ku sugnaa Cadaado wuxuu heshiis 4 qodob ka kooban la gaaray Madaxda Galmudug ee Cadaado ku sugan, waxaana ka mid ahaa qodobadaas:

  • Madaxdu waxay si wadajir ah u bogaadiyeen soo dhaweyntii diirranayd ee 26kii Juun, 2019 loogu sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre magaalada Cadaado.
  • Madaxweyne Xaaf iyo Ra’iisul Wasaare Khayre waxa ay isla garteen in la dajiyo geeddi socodka iyo hannaanka dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka si loo helo Galmudug mideysan.
  • In Dowlad Goboleedka Galmudug ay qaadato kaalinteeda kaga aaddan arrimaha dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka iyada oo kaashanaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
  • Si ay u noqoto caasimad loo dhan yahay oo leh maqaamkeeda waa in hay’adaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedka Galmudug ay si buuxda uga hawl galaan magaalada Dhuusamareeb.
  • In Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo celiso kabistii miisaaniyadeed ee Galmudug si loo dar dar galiyo arrimaha amniga iyo adeegyada kala duwan ee bulshada Galmudug.

Dhankale dib u laabashada Kheyre ee Dhuusamareeb ayaa laga filayaa inuu heshiis rasmi ah kala saxiixdaan Madaxda Ahlu Sunna, qodobka ugu muhiimsan ee labada dhinac isku hayaan ayaa ah Ahlu Sunna laga wareejiyo suggidda Amniga Dhuusamareeb, laguna wareejiyo ciidanka Dowladda iyo ciidanka Galmudug.