Wararkii ugu dambeeyey Dhuusamareeb

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Xaaladda siyaasadeed ee ka jirta magaalada Dhuusamareeb caasimadda Galmudug ayaa cakiran, ma jirin waxa kulamo ah oo dhacay shalay iyo xalay. Marka laga reebo xildhibaan Ubax Tahliil iyo Xildhibaan Cabdixakiin oo kulamo kooban la yeeshay Xaaf, iyagoo ka codsaday in uu wada hadalka qeyb ka noqdo.

Xaaf ayaa ku adkeysana inuusan kulan la qaadan wafdiga dowladda oo uu u arko in ay sharci darro kusoo galeen Dhuusamareeb, isagoo shardi ka dhigay in dib loo celiyo wafdiga Dowladda, arintaas oo aan sahlaneyn.

Dhanka kale ciidamadii Xaaf ayaa ku suga duleedka Godinlabe, inkastoo saaka 6 Tikniko ah mar dhaafeen Mareergur, iyagoo daqiiqado kadib dib ugu soo laabtay fariisin kooda duleedka Godinlabe, waxaa dhaqdhaaqa ciidankan keenay in ciidanka Ahlu Sunna ayaa isku diyaariyeen in ay ka hortagaan ciidanka Xaaf haddii ay uu soo dhawaadaan Dhuusamareeb.

Sidoo kale ciidamo cusub oo wata gaadiid dagaal kana yimid Gaalkacyo ayaa xalay ka gudbay Cadaado, iyagoo ku biiray ciidankii joogay duleedka Godinlabe.

Dhanka kale wafdiga dowladda ayaa isku dayaya in horumar laga sameeyo wadahadalka, Ahlu Sunna ayaa wajigabax la kulmay madaama Xaaf ka biyo diiday wada hadal lala galo wafdiga Dowladda, isagoo u arka in Madaxda Ahlu Sunna ay balantii uga baxeen.

Wasiir Saciid Siyaad oo ah gacanta midig ee Xaaf oo hogaaminaya ciidanka ku sugan duleedka Godinlabe ayaa wareysi uu xalay siiyey idaacadda Kulmiye ku sheegay in soo badbaadinayaan Xaaf, oo uu sheegay in Dowladda Federaalku kusoo duushay, isagoo eedeyn kulul u jeediyey Ahlu sunna.

Halkaan ka dhageyso wareysiga Siciid Siyaad oo dhameystiran.

Dhinaca kale kulamo wadatashi ayaa ka socda Cadaado, waxaana la filayaa in odayaasha Cadaado ay shir wadatashi ugu yeeraan siyaasiyiinta ku matala dowladda Federaalka, si ay uga arinsadaan xaaladda siyaasadeed ee Galmudug.

Wixii kusoo kordha nagala soco ceelhuur.com isha wararka xaqiiqda ah.