Baarlamaanka galmudug oo fadhigoodii u horeeyay yeelanaya maanta

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Galmudug ayaa maanta magaalada Dhuusa-Mareeb ku yeelanaya kulankoodii u horeeyay, kaasoo ay uga hadlayaan arrimo dhowr ah.

Fadhigga maanta waxaa lagu dooran doonaa Guddoomiye cusub oo KMG ah, kaasoo noqon doona ninka ugu da’da weyn.

Guddoomiyaha KMG ah ayaa soo magacaabi doona guddi doorasho, kuwaasoo diyaarin doona qaabka ay noqoneyso doorashada Guddoomiyaha iyo Kuxigeenada baarlamaanka Galmudug.

Caasimadda Galmudug waxaa durba ka bilowday ololaha loogu jiri kursiga Guddoonka Baarlamaanka, iyadoo Xukuumadda ay dooneyso inay soo saarato Guddoomiye ay wadato.

Amniga guud ee magaalada Dhuusa-Mareeb ayaa maanta si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ay socdaan kulamo gaar gaar ah oo hordhac u ah doorashada madaxtinimo ee maamulka Galmudug.