Dowladda somaliya waan dhiiragelinaynaa waxbarashada dhalinyarada

Wararka Maanta

Ra’isal Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay in dowladd Soomaaliya ay wado dadaaladii ugu dambeeyay ee dhameystirka manhajka Waxbarasho ee dalka.

Waxa uu sheegay in dowladdu ay ka hortageyso fikradaha qaldan ee laga bixinayo Waxbarashada Dalka isla markaana aysan aqbali doonin in si qaldan loo sii isticmaalo.

Waxa uu tilmaamay in ay dhiira gelinayaan waxbarashada dhalinyarada Soomaaliyeed oo ay xooga saari doonaan sidii waxbarasho mideysan oo tayo leh loo heli lahaa.

Wasaarada Waxbarashada ee Xukuumada Soomaliya ayaa wada dadaaladii ugu dambeeyay ee dhameystirka manhajka Waxbarasho ee dalka iyo sharciyada u gaarka ah waxbarashada.