Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr James Swan.
Kulankan ayaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka 2020/21 iyo arrimaha mudnaanta qaran leh, sida ugu habboon ee Qaramada Midoobey u taageeri karto ahdaafta dalku leeyahay.
Sidoo kale waxaa laga wada hadlay dadaalada dhinaca amniga iyo nidaamka maaliyadda dalka.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa Qaramada Midoobey uga mahad celiyay taageeradeeda Soomaaliya iyo doorka ay ku leeyihiin arrimaha amniga iyo doorashooyinka.
Ergeyga Qaramada Midoobey James Swan ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ay sii wado doonto taageerada Soomaaliya ee dhinacyada Amniga iyo Dhaqaalaha.
Sanadkan 2020 iyo horraanta sanadka 2021 ayaa la filayaa inay dalka ka dhacaan doorashooyinka Baarlamaanka iyo tan Madaxtooyada, waxaana Beesha caalamka ay wadaan xaqiijinta sidii doorasho dalka uga dhici laheyd.