Nin kursi xildhibaanimo ku waayay sawir uu la galay xildhibaan Fiqi

Wararka Maanta

Sawirkii Loo Fasirtay Sida Khaldan ee iga Saaray Safka Xildhibaanada,,,

Intii Aan kujiray Ololaha Xildhibaanimo ee GALMUDUG, Waxaa Dhowr Jeer Laygu Xantay in Aan ahay Mucaarad, Waxa Kaliya ee Loo Cuskanayana Waa Sawirkaas Aan Lagalay Xildhibaan Axmad Macalin Fiqi,

Anniga iyo Xildhibaan Fiqi Majirto Aqoon Rasmi ah oo Naga Dhaxayso, Maalinta Aan Wada galnay Sawirkaan Waxay ahayd horaantii Sanadkii Tagay ee 2019, Waqti Aan kuwada kulanay Hotel Dayah Galab Lagu Qabanayay Xaflad Lagusoo bandhigayay buuk uu Qoray Cabdi Casiis Xildhibaan, Kaasoo Ka Sheekaynayay Taariiq Nololeedka Xildhibaan Gaafoow,

Xildhibaan Axmad Macalin Fiqi Galabtaas Waxa uu Tagay hotel Ay Ubadan Yihiin Taageerayaasha Ra’isul Wasaare khayre, Waxa uu kaqayb galay Xaflad Loo Qabanayay Xildhibaan Taagero Wayn u ah RA’ISUL wasaare khayre, Taasi Waxay kuu Cadaynaysaa inuu Yahay Nin Ay u kala Soocan tahay Ismaanshaafka Siyaasadeed & iskaashiga bulsho,

Taas Caksigeed Qolooyinkii u Qaabilsanaa Xukuumadda Xulista Xildhibaanada Waxay Kala Saari Waayeen Qofka Qaba Fikirka Mucaaradka iyo Sawir Lala galo Qof Mucaarad ah, Waxaa Laygu Tixgalin Waayay Xaqa aan u leeyahay in aan Tartamo, Waxaa Laygu Tixgalin Waayay in Aan Ahay Ruux Jecel Dowlad Wanaaga, Waxaa Laygu Tilmaamay Nin Laga helay Aayatul Munaafaq, Taasoo ah Sawirka aan la galay Xildhibaan Axmad Macalin Fiqi,

Si kastaba Waxaan u rajayhaa Xildhibaanada Cusub ee Galmudug Guul, Waxaana Kula Talinayaa Madaxda Xukuumada in Ay IL Gaar ah u yeeshaan dadka Ay u Wakiilanayaan Xiriirka iyaga iyo bulshada,

Waxaa qoray Ibraahim Xasan cawaale oo qisadan qabsatay