Barlamaanka oo Ansixiyey Xukuumadda cusub

Wararka Maanta

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa golaha wasiirada cusub maanta horgeeyey Barlamaanka Soomaaliya.

Waxaana Kheyre halkaas ka jeediyey Barnaamijka Xukuumadda cusub, oo ay ugu muhiimsaneyd La dagaalanka musuqmaasuqa, sugidda amniga iyo hirgalinta doorasho qof iyo cod. Waxaana fadhiga joogay 241 xildhibaan.

Intaas kadib ayaa xukuumadda waxaa loo qaaday codka kalsoonida, natiijada ayaa waxaa ku dhawaaqay gudoomiye ku xigeenka koowaad Barlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdiwali Muudeey.

  1. Waxaa ogolaaday 224 xildhibaan.
  2. Waxaa diiday 15 xildhibaan.
  3. Waxaa ka aamusay 2 xildhibaan.

Waxaana sidaas ku ansaxay golaha wasiiradda cusub oo ka kooban 68 xubnood. Waxaana goobta ku dhaariyey gudoomiyaha Maxkamadda Sare dalka.