Sidee loo dilay Safiirkii Ruushka ee dalka Turkiga (Sawirro)

Toogasho xalay ka dhacday Magaalada Ankara, ayaa waxaa lagu dilay Safiirkii Ruushka u fadhiyay dalka Turkiga, Amb. Andrei Karlov. Safiirka oo ku sugnaa matxaf lagu qabanaayay bandhig farshaxan, ayaa dhabarka laga toogtay, xilli uu khudbad ka jeedinaayay goobtaasi. Nin dhalinyaro ahaa oo taagnaa dhabarka dambe ee Safiirka, ayaa waxaa la soo sheegayaa in dhawr xabadood […]

Continue Reading

Hormuud oo ka qeyb qaadatay gurmadka Abaaraha deegaanada Galmudug (Sawirro)

Shirkadda isgaarsiinta Hormuud oo gargaar u diyaarisay ilaa sadex kun oo qoys oo kamida dadka abaaraha Ku xoolo waayey ee deegaannada Galmudug. shirkadda Hormuud iyo guddiga abaaraha Galmudug ayaa magaaalada cadaado ku qabtay munaasabad lagu soo bandhigayey deeq ay shirkadda hormuud ugu talo gashay dadka ay abaaruhu ku saameeyeen deegaanada Galmudug, sidoo kale munaasabaddaas ayaa […]

Continue Reading

Daacish oo ka hadashay dagaal ay la galeen ciidamada Puntland

Ururka Daacish ayaa qoraal ay soo dhigeen bartooda Twitterka ku sheegay in maalinimadii Axad dagaal ay la galeen ciidamada dowlad goboleedka Puntland deegaan 20km koofur uga beegan degmada Qandala. Daacish ayaa sheegtay in ay dagaalkaas ay soo qaadeen ciidamada maamulka Puntland, ayna ka dileen 11 askari oo uu ku jiro Taliye sare oo ka tirsan […]

Continue Reading

Galkacyo Bulsho Nabadda Jecel iyo Madax Mas’uuliyadooda iloobay

Magaalada Gaalkacyo waa Xarunta Gobolka Mudug ee Bartamaha Soomaaliya waxaa ay u qeybsantahay oo ka wada Taliya Maamulada Galmudug iyo Puntland oo siyaasad ahaan uusan ka dhaxeyn isfahan wanaagsan. Bulshada ku kala nool Labada dhinac ee magaalada oo ay Maamuladaani ka taliyaan ayaa ah kuwo aad u jecel in magaaladu Nabad ahaato hayeeshee ma ahan […]

Continue Reading

Turkiga oo dhisay xarunta Aqalka Sare Soomaaliya (Sawirro)

Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga ayaa diyaariyey xarunta cusub ee mudanayaasha Aqalka sare ku shaqeyn doonaan. Xaruntan oo si casri ah loo dhisay ayaa waxaa loo dhameystiran agabkii ay u baahneyd, waxaana la qorsheynayaa in dhawaan xarigga laga jaro. Dowladda Turkiga ayaa ah dowladda kaliya ee ay ka go’an tahay Soomaaliya wax loo qabto, […]

Continue Reading

2 Gabdhood oo Soomaali ah oo lagu dilay Canada

Wararka laga helaayo Magaalada Ottawa ee dalka Canada, ayaa sheegaya in labo gabdhood oo Somali ah, islana dhashay lagu dilay dalkaasi. Booliska waxa ay sheegeen meydka labadan gabdhood in laga helay hal meel, waxaana ay sheegeen Booliska inay u qabteen dad la tuhmaayo inay falkaan wax ka ogaayeen. Gabdhaha la dilay ayaa waxaa lagu kala […]

Continue Reading

Boon Xersi oo ku geeriyooday Hargeysa

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ku geeriyooday Suugaan yahan Xuseen Xasan Cadib Boon Xirsi. Alle ha u naxariistee Boon Xersi ayaa ahaa nin fan badan dhaxal uga tagay ayuu ahaa Suugaantiisa waxa ka mid ahayd heesta “ninba waayihiisaa ileen geed ku waabee miyaan kuu waramay wali Kuluc iyo Aamino Cabdilaahi […]

Continue Reading

Gawaari laga soo dajiyey dekada Hobyo (Sawirro)

Waxaa markii ugu horeysay muddo 20 sano ah laga soo dajiyey dekada magaalada Hobyo gawaari nuuca yar yar ah, gaawiradan ayaa waxaa sidan doon weyn oo ku xiran dekada, taas oo ka timid dalka isutagga imaaraatka carabta. Doontaan ayaa sidoo kale sida badeecado kala duwan, waxaa kaloo jiro doonyo kale oo sida shixnado ganacsi oo […]

Continue Reading

Cadaado: Askar la goostay gaari ay wateen ciidanka Amisom

Askar ka tirsan qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa la goostay gaari cabdile ah oo ay wateen ciidanka AMISOM ee Cadaado ku sugan. Askartan oo la shaqeynayey ciidanka Amisom ayaa la sheegay in ay ka gadoodeen mushaar la’aan soo wajahday, waxa ayna gaarigan ula baxsadeen dhinaca magaalada Dhuusamareeb, inkastoo ciidanka Ammaanku ku guuleysteen in […]

Continue Reading