Boon Xersi oo ku geeriyooday Hargeysa

Wararka Maanta

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ku geeriyooday Suugaan yahan Xuseen Xasan Cadib Boon Xirsi.

fb_img_1482004617839

Alle ha u naxariistee Boon Xersi ayaa ahaa nin fan badan dhaxal uga tagay ayuu ahaa
Suugaantiisa waxa ka mid ahayd heesta “ninba waayihiisaa ileen geed ku waabee miyaan kuu waramay wali Kuluc iyo Aamino Cabdilaahi ayaa qaaday”.

Boon Xersi ayaa caan ku ahaa majaajileystanimo, wuxuuna ahaa tiir ka mid ah tiirarka suugaanta Soomaaliya.