Hirshabeelle oo deeganadeeda ka mamnuucday Universal Tv

Wararka Maanta

Maamulka Hirshabeelle ayaa ka mamnuucay Telefishinka UNIVERSAL inuu ka howl galo deegaanadeeda, sidoo kale waxaa la xiray wariyihii Universal Tv  uga soo waramayay Jowhar Ismaaciil Cabdulle Sabriye.

Wareegtadaan oo maanta soo baxday ayaa waxaa ku saxiixna wasiirka warfaafinta Hirshabeelle, waxaana Tv-ga ku eedeeyey inuu ka been abuuray madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Hirshabeelle ayaa la mid noqoneysa maamulada kale ee tacadiga iyo xadgudubka ku haya warbaahinta madaxa banaan iyo xuquuqda saxafiyiinta.

FB_IMG_1494006144035-1